Kooxaha ka wada dhisan magaalada Manchester ee City iyo United ayaa xiiseynaya da’yarka xulka Belgiumka iyo kooxda Wolfsburg Kevin de Bruyne kaas oo aan wali go’aansan mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan Jarmalka.
Kadib xili ciyaareed qurux badan oo uu ku qaatay Bundesliga De Bruyne ayaa bartilmaameed buuxa u noqday Manchester City iyo Manchester United balse labada isbuuc ee soo aadan ayuu go’aan kaga gaari doonaa mustaqbalkiisa madama uu wadahdalo mustaqbalkiisa quseeya uu kula jiro kooxdiisa Wolfsburg.
“Waa inaan ka taxadarno xiisaha ay noo qabaan kooxaha” Ayuu yiri De Koster oo ah wakiilka xidigaan heerka caalami.
“Balse Kevin wuu ogyahay inta ay aaminstay Wolfsburg markii ay Chelsea soo xumeysay”
Si kastaba Wolfsburg qudheeda ma diidi doonto hadii ay xidigaan lacago fiican ku heleyso inkastoo uu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan
Ugu dambeyntii Manchester City ayaa saaid u xiiseyneysa xidigaan in ka badan Man United oo Memphis Depay lasoo saxiixatay dhawaan.