Home » Maxaa Cusub » Kevin De Bruyne Oo Hami Galiyay Man City: “Ma Ogaan Karo Halka Aan ka Ciyaari Doono Xagaaga Soo Aadan”

Kevin De Bruyne Oo Hami Galiyay Man City: “Ma Ogaan Karo Halka Aan ka Ciyaari Doono Xagaaga Soo Aadan”


Kevin-de-Bruyne

Da’yarka Wolfsburg iyo xulka Belgiumka Kevin De Bruyne ayaa ka dhawaajiyay inuusan ogeyn halka uu mustaqbalkiisa ciyaareed ahaan doono xagaaga soo aadan xili ay si ba’an u dooneyso kooxda ka dhisan magaalada Manchester.

Kooxda ka dhisan Etihad Stadium ayaa xidigaan ku baadi goobeysa aduun dhan 40 Malyan Oo Pound, sidoo kalana waxaa xidigaan xiiso aan badneyn u qaba Paris Saint Germain.

“Ma ogi halka aan ka ciyaari doono xili ciyaareedka soo aadan, haatan kaliya waxaan u tababaranayaa si wanaagsan waxaana hubsanayaa inaan taam noqonayo. Kadib waan arkeynaa waxa dhaca, waa wax qaas ah marka kooxo waaweyn ay ku xiiseynayaan, dabcan waa inaan arintaas ka fakaro” ayuu yiri Kevin De Bruyne.

Hadalka Kevin wuxuu rajo fiican galiyay Manchester City waxaana suuragal ah in xidigaan uu dib ugu soo laabto horyaalka Ingiriiska isla markaana uu wajaho kooxdiisii hore Chelsea iyo macalinka aan ictiqaadin awoodisa ee Jose Mourinho.

Ugu dambeyntiina Kevin De Bruyne waxaa dhawaan loo magacaabay xidigii ugu wanaagsanaa horyaalka jarmalka xagaagii lasoo dhaafay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>