Home » Horyaalada » La Liga Spain » Koke Oo Meesha Ka Saaray Inuu Xagaagan Kooxdiisa Atletico Madrid Isaga Tagi Doono

Koke Oo Meesha Ka Saaray Inuu Xagaagan Kooxdiisa Atletico Madrid Isaga Tagi Doono


koke-atletico-madrid

Xidiga kooxda Atletico Madrid muhiimka u ah Koke ayaa taageerayaasha kooxdiisa ka farxiyay kadib markii uu si rasmi ah shaaca ka qaaday inuusan xagaagan caasimada Spain isaga tagi doonin.

Koke waxaa siweyn loola xariirinaayay kooxda Chelsea oo si hordhac ah u sheegtay inay xidigan tayada wanaagsan xagaagan ku iibsan doonto £48m.

Balse Koke ayaa ka aamusi waayay wararka la xariirinayaay inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqi doono wuxuuna yiri “Hal mid ayaan hubaa taasi oo ah inaan xili cayaareedka dambe Atletico Madrid sii joogi doono”

“Waan arkay wararka ay saxaafada qoreen balse waxaa muhiim ah halka aan aniga rabo inaan joogo waxaana jeclahay kooxdeyda Atletico”

Hadalka kasoo yeeray Koke wuxuu niyad jab weyn ku noqon doonaa macalin Jose Mourinho oo kalsooni ku qabay inuu xidigan khadka dhexe ee kooxdiisa ku xoojin karo xili cayaareedka dambe.

Koke ayaa kusoo bar baaray kooxda Atletico Madrid wuxuuna sameeyay sedexdii sano ee ugu dambeesay hormar aad u sareeyo kaasi oo haatan ka dhigan inuu ka mid noqdo xidigaha ugu tayada wanaagsan qaarada Yurub dhanka khadka dhexe.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>