Home » Maxaa Cusub » Kompany: “Uguma Biireen Arsenal 60 Malyan Oo Pound Iyo Laba Ferrari”

Kompany: “Uguma Biireen Arsenal 60 Malyan Oo Pound Iyo Laba Ferrari”


Kompanyu

Kabtanka kooxda Man City Vincent Kompany ayaa cadeeyay inuusan waligiis xiiseynin inuu ku biiro Arsenal xitaa hadii ay kooxda u gaari laheyd lacag dhan 60 Malyan Oo Pound iyo laba gaari oo nuuca Ferrari ah si ay usoo xerogaliso kaliya.

Daafacaan reer Belgium ayaa bogiisa twitterka kusoo qoray inuusan waligiis ku hamin inuu u dhaqaaqo garoonka Emirates xili labada kooxood uu ka dhaxeeyo xifaaltan aad u sareeya.

ka hor kulanka Champions League-ga ee caawa ay kooxdiisa Etihad ku qaabili doonto CSKA Moscow ayuu xidigaan qiray ineysan qorshaha ugu jirin inuu mar tago waqooyiga London.

Si Kastaba ha ahaatee hadalka Kompany  ayad moodaa inuu sii xumeynayo xiriirka xifaaltan ee ka dhaxeeya labada naadi kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyay uu ka dhaxeeyay xifaaltan heer sare ah inkastoo xidigo badan ay Arsenal kasoo hayaameen kuna soo biireen Man City.

One Response to Kompany: “Uguma Biireen Arsenal 60 Malyan Oo Pound Iyo Laba Ferrari”

  1. abu ozil Reply

    November 5, 2014 at 10:27 pm

    arsenal xamali lagama rawo
    arsenal markeyku soqadaneyso may damersoqadato
    damerka aa ku dhamo
    madax fadhi carbeet
    viiiiiiva arsenal
    viiiva kocsorli

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>