Home » Maxaa Cusub » Koox Laga Sameeyay Kulanka Liverpool vs Man United: Yaa Ku Jira Yaase Ka Maqan, Kooxdeese Ugu Badan?

Koox Laga Sameeyay Kulanka Liverpool vs Man United: Yaa Ku Jira Yaase Ka Maqan, Kooxdeese Ugu Badan?


26DC850800000578-0-image-a-102_1426936934609

Liverpool iyo Manchester United ayaa ku kulmi doona Anfield Road galabta kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska, waxaana jirta in koox laga sameeyay labada kooxood.

Daily Mail ayaa sameysay shaxdaan kooxda Liverpool ayaana ugu badan madama ay hab ciyaareed qurux badan ku socoto tan iyo bilowgii sanadkaan.

Liverpool shaxdaan waxey ku yeelatay lix xidig halka Manchester United Ay ku yeelatay shan xidig oo qura.

Xidigaha Liverpool: Emre Can, Coutinho, Henderson, Lallana, Sterling iyo Sturridge, halka United laga soo xulay xidigaha: Young, De Gea, Carrick, Smalling iyo Rooney.

Marka la fiiriyo shaxda Liverpool waa xidigo u qalma madama Emre Can, Coutinho iyo Henderson ay yahiin kuwo si saa’id ah u mudan, sidoo kalana Sturridge, Sterling iyo Lallana ayaa iyaguna bixiyay dadaal dheeraad ah.

Dhanka kale Manchester United xidigeeda ugu muhiimsan xagaagan waa David De Gea kaas oo badbaadiyay 18-kubadood oo halis ku ahaa goolka, sidoo kalana Rooney ayaa ah hogaamiye wanaagsan halka Smalling, Carrick iyo Young ay si fiican u shaqeeyeen.

Shax

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>