The Express ayaa sheegtay in kooxaha Chelsea iyo Man City ay haatan siweyn ugu mashquulsan yihiin sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayee daafaca kooxda Everton John Stones.
Madaama Everton xili cayaareedkan xaalkeeda xun yahay sidoo kalena aysan kaalin wanaagsan horyaalka England kaga jirin Stones masii ceshan karto.
Daafacan lagu qiimeeyo £20m ayaa bandhig wanaagsan la yimid sanadihii ugu dambeeyay haatana Chelsea ayaa dooneyso inay la saxiixato si uu mustaqbalka dhow booska Jonh Terry u buuxiyo.
Sidoo kale Daily Mail ayaa sheegay in Man City iyadana qal qaalo xoog leh ay saxiixa Stones ugu jirto waxayna dooneysaa inay xili cayaareedka dambe ka garab cayaarsiiso kabtan Kompany madaama Mangala saxiixiisa ay xili cayaareedkan ku qasaartay.
Caqabada ugu weyn ee labadan koox soo wajihi karto ayaa ah hadii kooxda Everton oo ah naadi aan xiriir wanaagsan laheyn labadan koox ay go’aansato inaysan Stones ka iibinin.
Daafacan dhalinta yare ee hormarka wanaagsan sameenayo ma doonayo inuu kooxdiisa ka garab hadlo sidaa darted Evrton faa’iido weyn ayaa ugu jirto inay Chelsea iyo Man City saxiixiisa ku loolamaan waxayna sare u qaadi doontaa qiimaha xagaagan Stones lagu heli karo.