Kooxaha Juventus iyo Barcelona ayaa wada gaareen heshiis labo geesood ah kaasi oo qayaxaayo in Paul Pogba aan naadi kale xagaagan laga iibin.
Wargeska Mundo Deportivo ayaa sheegay in madax ka socdeen naadiga Barcelona ay todobaadkan ku sugnaayeen madaama Turin waxayna ku guuleesteen heshiis taariikhi ah inay Juventus la gaaraan.
Madaama Barcelona aysan xagaagan cayaartooy iibsan karin waxay Juve kula heshiiyeen inay Pogba ka iibsadaan xagaaga dambe.
Balse 22-jirkan 12-bilood ee nagu soo fool leh Juve ayuu kasii mid ahaan doono mana ku biiri doono naadi kale si uu sanadka dambe Barcelona kaga mid noqdo.
Pogba dhinaciisa wuxuu saaxiibadiisa u sheegay inuu ku riyoon jiray u cayaarista Barcelona sidii kalena uu heshiiska ay Juve iyo Barca wada gaareen uu ku qanacsan yahay.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in Barcelona ay aqbashay inay bixiso 80-milyan oo euro ah xagaaga dambe waana qiimaha ay Juve kaga samri karto xidigan awooda badan.
Aqbaartan daaha laga qaaday waxay niyad jab ku noqon doontaa kooxaha Man City, Chelsea iyo PSG oo rajo wanaagsan ka qabeen inay Pogba xagaagan gacanta kusoo dhigaan.