Sida ay ku warantay Superdeporte kooxaha labada Manchester ee City iyo United ayaa dalab u wada gudbin doona kooxda Valencia kaas oo ku aadan daafaca reer Argentina Nicolas Otamendi.
Xidigaan reer Argentina ayaa aad u doonaya inuu isaga tago kooxda Valencia halkaas oo uu xili ciyaareed qurux badan ku qaatay sanadii tagay, Otamendi wuxuu doonayaa in mustaqbalkiisa si deg-deg ah xal looga gaaro.
Otamendi haatan wuxuu haatan ku jiraa fasax, Superdeporte ayaa ku warantay in wakiilka xidigaan Eugenio Lopez, wakiilka heerka sare Jorge Mendes iyo wakiilo ka socda labada Manchester ay ku kulmeen Porto.
Labada kooxood ayaa go’aan ku gaaray iney u dhaqaaqaan soo xerogalinta daafacaan heerka caalami, waxeyna koox walbaa isku diyaarineysaa iney dalab dhankeeda ah u gudbiso Valencia.
La arki doonee kooxda ku guuleysata saxiixa xidigaan heerka caalami ee kasoo hilaacay horyaalka La Liga xili ciyaareedkii dhamaaday.