Sida ay tilmamayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa ku dagaalami doona saxiixa goolhayaha reer Mexico Guillermo Ochoa.
29-jirkaan heerka caalami ayaa ku biiray kooxda Malaga ee horyaalka Spain kadib markii uu bandhig qurux badan kasoo muujiyay koobkii Aduunka ee lagu qabtay Brazil bartamahii sanadkii 2014.
Si kastaba labadaan kooxood ayaa dhibaatooyin yaryar ka sheeganaya goolka waxeyna doonayaan iney goolhayahan heerka caalami ku daboolaan madama uu awood u leeyahay inuu daboolo baahi walba oo dhanka goolka ah.
Express ayaa qirtay in labadaan kooxood ay doonayaan saxiixa xidigaan inkastoo wiilkaan uu doonayay inuu bisha January iska tago hadana diyaar ayuu u yahay inuu ka dhaqaaqo Malaga.