Home » Maxaa Cusub » Kooxaha Liverpool, Manchester United & Arsenal Oo Ku Tartamaya Saxiixa Karim Benzema

Kooxaha Liverpool, Manchester United & Arsenal Oo Ku Tartamaya Saxiixa Karim Benzema


Benzema 2

 

Daily Express ayaa ku warantay in kooxaha Liverpool, Manchester United iyo Arsenal ay isha ku hayaan weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema.

Los Blancos ayaa ku warantay iney iska iibin doonto qaar ka mid ah ciyaartoydeeda si ay uga fogaato xeerka dhaqaale wanaagsa ee UEFA, inkastoo xidigahaas laga farmuuqay Fabio Conteroa hadana kooxahaan sadexda ah ee ka dhisan EPL-ka waxey u gacan haatinayaan Karim Benzema.

Benzema waa dooqa koowaad ee macalin Carlo Ancelotti, inkastoo uusan jirin weeraryahan buuxin kara booska xidigaan reer France walow Real Madrid ay isha ku heyso Sergio Aguero saxiixiisa.

26-jirkaan reer France wuxuu taageero u yahay kooxda Liverpool, sida warbixinta lagu sheegay inkastoo labadii kulan ee uu ka hor yimid sanadkaan Champions League uu ka dhaliyay sadex gool.

Manchester United waxey dooneysaa iney ka maaranto wiilka dhaawacyada ay hareeyeen ee Radamel Falcao waxeyna dalbaneysaa Karim Benzema, halka Arsenal iyana ay dooneyso iney xal u hesho halka ay ka liidato ee ah weerarka.

Ugu dambeyntii xiisaha kooxahaan reer Ingiriis ayaa imaaneysa xili xidigaan dhawaan heshiiska loo kordhiyay lana gaarsiiyay ilaa 2019.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>