Home » Maxaa Cusub » Kooxaha Man City Iyo Inter Milan Oo Ku Hungoobay Saxiixa Da’yarka reer Brazil Yuri Mamute

Kooxaha Man City Iyo Inter Milan Oo Ku Hungoobay Saxiixa Da’yarka reer Brazil Yuri Mamute


(150124) -- MALDONADO, Jan. 24, 2015 (Xinhua) -- Brazil's Yuri Mamute (C) breaks through during a South American U-20 football match between Brazil and Colombia in Maldonado, Uruguay, Jan. 23, 2015. Brazil won 2-1. (Xinhua/Xu Zijian/IANS)

Sida uu ka dhawaajiyay wakiilka xidigaan dhalinta yar kooxaha Inter Milan iyo Manchester City ayaa ku hungoobay saxiixa xidigaan sanado ka hor.

Yuri Mamute oo ka mid ah xulka Brazil ee ay da’doodu ka hooseyso 20-jirada ayaa heshiis kula jira kooxda Gremio, inkastoo xili ciyaareedkii hore uu sanad amaah ah ku qarash gareeyay kooxda Batafogo.

Jorge Machado oo ah wakiilka da’yarkaan ayaa cadeeyay in kooxaha City iyo Inter ay isku dayeen saxiixa xidigaan isagoo da’yar balse ugu dambeyntii ay ku hungoobeen.

“Manchester City waxey fursad u heshay saxiixa xidigaan isagoo 15-jir ah, balse aad ayuu u da’yaraa, markii uu gaaray 16-sano waxaa mar kale isku dayay Inter Milan, balse wuu da’yar yahay Gremio ayaana go’aansatay iney sii heysato xidigaan” Ayuu Jorge Machado u sheegay FCInterNews.it

Ugu dambeyntii da’yarkaan heerka caalami ayaa haatan sameeyay hormar weyn waxaana xili dhaw la filayaa inuu qaarada yurub usoo yimaado.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>