Home » Horyaalada » La liga » Kooxaha Man United iyo Chelsea Ayaa weli ku Dagaalamayaan Saxiixa Daafaca Reer Spain Alberto Moreno.

Kooxaha Man United iyo Chelsea Ayaa weli ku Dagaalamayaan Saxiixa Daafaca Reer Spain Alberto Moreno.

AlbertoMoreno

Kadib markii kooxda Sevilla ay dhawaan shaaca ka qaaday in daafaceeda dhalinta yar Alberto Moreno aysan ceshan karin sidoo kalena bisha Janaayo ka iibin doonto naadigii la timaado qiimo raali galiyo waxaa durbadiiba saf usoo galeen kooxo farabadan balse Sevilla ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in kooxaha Man United iyo Chelsea ay si rasmi ah dalabyo kala duwan usoo gudbiyeen, 21-jirkan waxaa lagu qiimeeyaa £25m balse waxaa hubaal ah in qiimahiisa uu sare usii kici doono marka la gaaro bisha Janaayo madaama uu haatan soo bandhigaayo qaab cayaareed u wanaagsan sidoo kalena loolanka loogu jiro saxiixiisa ayaa cirka isku shareeray.

Macalin Jose Mourinho ayaa xidigan dhalinta yar taageero weyn u ah wuxuuna la dhacsan yahay hormarka uu sameynayo Moreno oo dhawaan xulka Spain loogu yeeray sidoo kale xidigan wuxuu ka qayb qaadan karaa koobka horyaalada Yurub waana sababta ugu weyn ee Chelsea ugu daadaleyso saxiixiisa, dhanka Man United iyadana waxay dooneysaa inay ka faa’diiseeto tayada Moreno madaama uu ka cayaari karo boosas badan sida daafaca dhexe iyo garabka bidix sidoo kale naadiga Real Madrid oo xiriir wanaagsan la leh kooxda Sevilla aya qal qaalo ugu jirto waxayna Madrid dhigeeda Sevilla u sheegtay in laga iibiyo Moreno ayadoo dhankeeda amaah ku siin doonto weeraryahankeeda dhalinta yar Jese waxaana maqcuul ah in Sevilla ay dalabka Madrid tixgaliso marka la gaaro bisha Janaayo.


Waxaa Aqrisay: (77)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>