Wararka laga helaayo gudaha dalka France ayaa sheegayo in weeraryahanka naadiga Lyon Alexandre Lacazette ayay haatan saxiixiisa ku dagaalamayaan kooxaha Man United iyo PSG.
Shabakada le10sport.com ayaa sheegay in naadiga PSG ay dalab €30 million (£21.7m) u gudbisay dhigeeda Lyon sidoo kalena ku rajo weyn tahay in qiimaha sare laga aqbali doono.
Balse Man United ayaa iyadana Lyon la xariirtay waxayna ka balan qaaday isla qiimaha PSG diyaarka la tahay inay xagaagan bixiyaan.
Kooxd Lyon waxay qabtaa walaac u gaar ah madaama aysan rabin in PSG uu xidigeeda u gacan galo madaama ay labadan naadi si gaar ah u xifaaltamaan.
Sidaa darteed Man United ayaa si fudud k heli karto mid ka mid ah dhalinta ugu wanaagsan qaarada Yurub oo hormar aan caadi ahayn sameenayay labadii sano ee ugu dambeesay.
Dhanka kale shabakada le10sport.com waxay sheegtay in Man United ay iska fasixi doonto Radamel Falcao oo mushaar aad u sareeyo ka qaato.
Waxayna booskiisa galin doontaa Alexandre Lacazette oo a weeraryahan dhalin yar oo aan mushaar badan ku shaqeyn doonin.