Home » Horyaalada » France League I » Kooxaha Real Madrid Iyo Paris Saint Germain Oo Ku Loolamaya Saxiixa Goolhaye Peter Cech

Kooxaha Real Madrid Iyo Paris Saint Germain Oo Ku Loolamaya Saxiixa Goolhaye Peter Cech


Cech

Sida lagu helay warar hoose kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint Germain ayaa si wadajir ah u xiiseynaya goolhaye Peter Cech oo ay u badan tahay inuu xagaagan dhamaadkiisa isaga huleelo Chelsea.

Labadaan kooxood ee daqliga aadka u fara badan heysta ayaa la tartami doona kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo markii hore lala xiriirinayay.

The Sun ayaa qortay in kooxaha PSG iyo Real Madrid ay haatan ugu cad-cad yihiin loolanka goolhayahaan da’da ah ee kooxa Blues ku sugnaa 11-ka sano.

32-jirkaan, kaliya 14-kulan ayuu kasoo muuqday kooxdiisa Blues xili ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan waxaana booska kala wareegay Thibaut Courtios.

Warar hor leh oo soo baxay bishii hore ayaa sheegayay in goolhayahaan uu doonayo ka hayaamida Stamford Bridge isagoo doonaya koox uu safka hore ka helo.

Ugu dambeyntii goolhaye Peter Cech ayaa ku guuleysatay 14-koob, tan iyo markii uu Chelsea kusoo biiray sanadii 2004, wuxuuna xiligaas kaga yimid naadiga Renes ee dalka faransiiska.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>