Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda AC Milan Oo Xaqiijisay In Weeraryahankeeda El Shaarawy Uu Naadiga Monaco Ku Biiri Doono

Kooxda AC Milan Oo Xaqiijisay In Weeraryahankeeda El Shaarawy Uu Naadiga Monaco Ku Biiri Doono


Shaarawy

Weeraryahanka reer Talyaani Stephan El Shaarawy ayaa mustaqbalkiisa cayaareed kasii wadan doono Ligue 1 France kadib markii uu heshiis la gaaray kooxda AS Monaco.

AC Milan ayaa dhankeeda si rasmi ah u xaqiijisay inay kooxda Monaco kala heshiisay qiimaha El Shaarawy oo go’aansaday inuu garoonka San Serio isaga hayaamo.

El Shaarawy qaab amaah ah ayuu kooxda Monaco ku aaday wuxuuna fursad u heestaa in heshiiskan uu mid joogto ah ka dhigo hadii ay kooxda reer France is fahmaan.

22-jirkan kooxda heerka kowaad ee Milan wuxuu si joogto ah kaga mid noqday xili cayaareedkii 2012/13 balse imaanshihii xiligaas Mario Balotelli iyo dhaawac joogto ah oo asiibeen xidigan ayaa sababeen inuusan Milan wax badan caawinin sanadihii ugu dambeeyay.

El Shaarawy joogis uma taalo Milan madaama ay kooxda lasoo saxiixatay labada weeraryahan Carlos Bacca iyo Luiz Adriano.

Kooxda Monaco waxay bixin doontaa €2 million heshiiska amaahda ah 12-bilood hadii uu weeraryahankan 15-kulan safto xili cayareedka cusub waxay Monaco bixin doontaa €16m oo ay xidigan Milan madaxiisa dul dhigtay.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>