Wargeska Express ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Arsenal ay ogolaatay inay naadiga Palermo ku wareejiso £31m si kaga hesho xidiga aadka looga daba dhacay Paulo Dybala.
Madaama Man United uu damac xoogan kaga jiro soo xero galinta xidigan dhinta yar waxay Arsenal diyaar u tahay inay United ka dul qaado sidoo kalena ay bixiso lacagaha naadiga Palermo wiilkan dul dhigtay.
21-jirkan u dhashay dalka Argentina ayaa sumcad ku dhex yeeshay Serie A-da xili cayaareedkan ilaa haatana wuxuu horyaalka Talyaaniga ka dhaliyay 6-gool sidoo kalena 2-kubadoo ayuu dhiibay.
Sidaa darteed Arsenal ayaa diyaar u ah inay weeraryahankan dhalinta bisha Janaayo gacanta kusoo dhigto madaama la isku raacay inuu kubada cagta mustaqbal wanaagsan ku yeelan doono.
Inkastoo Arsenal ay heesato weeraryahano tayo wanaagsan sida Olivier Giroud, Danny Welbeck iyo Alexis Sanchez hadana macalin Arsene Wenger ayaa doonayo in Paulo Dybala gacanta loo soo galiyo.
Wararka ka imaanayo dalka Talyaaniga ayaa sheegayo in kooxda Palermo ay dhigeeda Arsenal ka codsan doonto in loo daafo Paulo Dybala inta ka harsan xili cayaareedkan madaama Palermo ay halgan ugu jirto inay kaalin wanaagsan Serie A-da ka gasho.