Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah iney FC Porto ku wareejiso 60 Malyan Oo Pound si ay kaga hesho labada xidig ee reer Colombia Jackson Martinez iyo Juan Fernando Quintero, sida ay ku waramayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska.
Arsenal ayaa labadaan xidig mudo ku raad joogtay waxeyna xagaagan bilowgiisii si fiican u baadi goobtay kubad kubad sameeye Juan Fernando Quintero, halka sidoo kalana ay baadi goob ba’an u gashay Jakcson Martinez waxeyna haatan dib usoo celisay xiisahii ay u qabtay iyadoo dooneysa iney bisha January soo xerogaliso.
Sida ay ku warantay Daily Star, Arsenal waxey diyaar la tahay 60 Malyan, waxeyna rajeyneysaa in FC Porto aysan diidi doonin lacagtaan xooga badan ee ay u hurayaan xidigahaan.
Sidoo kale Jackson Martinez waxaa doonaya kooxda Liverpool, madama uu waxqabad muuqda soo bandhigay madama uu soo banaan bixiyay awoodiisa gooldhalineed.
Ugu dambeyntii Juan Fernando Quintero waa wiil mustaqbal fiican leh oo kubad sameynta aad ugu dheereya Arsenal ayaana mar u dhawaatay bishii July ka hor bilowga xagaagan.