Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka Jarmalka iyo naadiga Bayer Leverkusen Lars Bender waxaa maal mihii ugu dambeesay la hadal haayay inuu wada hadalo kula jiro kooxda Man United.
Balse haatan wargeska The Bild ayaa qoray in Arsenal ay haatan Man United ka dul qaadi rabto sidoo kalena dalab £21m ayay kooxda Bayer Leverkusen u gudbisay.
26-jirkan kubada bur buriyo ayaa kooxdiisa Leverkusen dhawaan ka dalbaday in la fasaxo madaama uu sanado badan u cayaarayay wuxuuna rabaa inuu halgan cusub ka bilaabo meel ka baxsan Bundesligaha Jarmalka.
Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa Lars Bender dabagal ku heyso balse naadiga Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horeesay ee dalab rasmi ah Leverkusen u gudbiso.
Wargeska Metro ayaa sheegay in Arsenal iyo Man United ay haatan loolan adag isku hayaan sidoo kalena labadan naadi waxay ku dagaalamayaan saxiixa Morgan Schneiderlin oo isagana khadka dhexe kaga cayaaro kooxda Southampton.
Metro ayaa sheegay in saxiixa Morgan Schneiderlin ay haatan kooxda Man United ku horeyso halka soo xero galinta Lars Bender isagana Arsenal hogaanka u heyso.
Sidaa darteed waa arin xiiso badan labadan naadi iyo xagaagan suuqa Yurub midka ku guuleesan doono oo ay u suura gali doonto inay hesho bartilmaameed yada u calaameesan.