Sida ay fahantay Goal.com, xidiga khadka dhexe Gunners Mikel Arteta ayaa heshiis hal sano ah ugu kordhiyay qandaraaska uu kula joogay kooxdiisa Arsenal.
Xidigii hore Everton ayaa qandaraaska uu kula jiray kooxda wuxuu ku ekaa dhamaadka xagaagan, balse haatan hal sano oo dheeraad ah ayaa lagu abaalmariyay taasoo ka dhigan inuu dhamaan doono qandaraaskiisa June 2016.
Sidoo kale Goal.com, ayaa shaacisay in xidigaan ay siin doonto qandaraas kordhin intaas kasii badan hadii uu kulamo badan kooxda u safto xili ciyaareedka 2015-2016.
Arteta haatan wuxuu ku maqan yahay dhaawac dhanka muruqa ah oo kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa 3-3 la gashay Anderletch kulan ka tirsan Champions League.
Mikel Arteta wuxuu garoonka Emirates yimid sanadii 2011, markaas oo ay Gunners aad ugu baahneed burburiye heer sareeya waxaana xiligaas firaaqeeyay London Alex Song.
Dhanka kale Arsenal ayaa ku tala jirta iney xidigaan badalkiisa raadiso waxeyna ku raad joogtaa William Carvalaho, sidoo kalana haatan waxey dalab cusub u dirtay xidiga Borrusia M’gladbackh, Christoph Kramer.