Rob Shepherd oo ka tirsan shaqaalaha Daily Mail ayaa aaminsan in tababare Arsene Wenger uu suuqa dhigi doono Jack Wilshere marka uu dhamaado xagaagan.
Xidigaan Khadka dhexe ayaan garoomada kasoo muuqan tan iyo bishii November markaas oo uu dhaawac kasoo gaaray kulan ay kooxdiisa guuldaro 2-1 ah kala kulantay Man United, Paddy McNair ayaana dhibaato u geystay.
Inkastoo uu haatan kasoo kabtay dhaawacii uu qabay, hadana warar hoose oo ka imaanaya London ayaa sheegaya in xidigaan uu ku dhibtoon doono inuu boos joogto ah helo madama xidigaha khadka dhexe kooxda siyaadeen sidoo kalana dhawaan lagu arkay isagoo sigaar cabaya.
Rob Shepherd ayaa aaminsan in Arsenal ay ku iibin doonto Jack Wilshere 25 Malyan Oo pound, xili xidigaan uu Gunners ka qaato 80,000 oo Pound.
Daily Mirror ayaa qortay in xidigaan ay isha ku hayaan kooxaha Liverpool iyo West Ham kuwaas oo doonaya iney magan galiyaan wiilkaan.
Ugu dambeyntii Jack Wilshere ayaa ah mid ka mid ah xidigaha kusoo barbaaray London Coloney sidoo kalana waa mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Arsenal iyo Xulka Ingiriiska intaba.