Arsenal ayaa isku diyaarineysa iney lasoo saxiixato daafaca kooxda West Ham United Winston Reid marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January ee soo aadan.
Sida ay shaacineyso Metro, macalin Arsene Wenger ayaa doonaya inuu xoojiyo daafaciisa, wuxuuna dooqiisa noqday markaan 26-jirkaan heerka caalami ee haatan ku jira qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.
Sida la aaminsan yahay Wenger wuxuu wafdi u diray Reid si ay usoo daawadaan qaab ciyaareedkiisa, inakstoo xidigaan qandaraaska uu kooxdiisa kula joogo uu dhacayo dhamaadka xagaagan.
Inkastoo West Ham ay dooneyso iney heshiis cusub ka saxiixdo hadana xidigaan reer New Zealand ayaa doonaya inuu isaga tago kooxda waxaana sidoo kale lala xiriirinayaa Liverpool, waxaana haatan soo if baxayba wararkaan Arsenal la xiriirinaya weyna ku qasbanaan doontaa West Ham iney xidigaan iibiso bisha January.
Ugu dambeyntii xidigaan wuxuu kooxda West Ham kusoo biiray afar sano ka hor isagoo markaas ka yimid kooxda reer Denmark FC Midtjylland.