Home » Maxaa Cusub » Kooxda Arsenal Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa El Shaarawy

Kooxda Arsenal Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa El Shaarawy


Shaarawy

Tuttosport ayaa sheegay in dhamaadka xili cayaareedkan weeraryahanka AC Milan Stephan El Shaarawy uu usoo dhaqaaqi doono Prmiership-ka England madaama uu dalabyo ka heesto qaar ka mid ah kooxaha horyaalkan.

Naadiga Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu dambeesay ee lala xariiriyo El Shaarawy oo aan ku qanacsaneyn inuu AC Milan kasii mid ahaado madaama kooxdan hoos u dhac joogto ah ku habsaday.

Sidoo kale 22-jirkan waxaa lala xariirinaa naadiga Tottenham oo iyadana dooneyso inay booska Roberto Soldado galiso xidigan ka tirsan xulka Italy ka tirsan.

Stephan El Shaarawy waxaa lagu qiimeeyaa 20-milyan oo pound waana qiimo lacageed oo ay kooxda Arsenal bixin karto, waxaa xusid mudan in sanado badan uu macalin Arsene Wenger saxiixa weeraryahankan ku raad joogay.

Balse dhawaanahan wuu ka gaabsaday madaama uu dhaawac ka bixi waayay, haatan El Shaarawy waa xidig sidii hore ka roon waana mida keentay in Arsenal ay dalab cusub u gudbiso dhigeeda Milan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>