Home » Maxaa Cusub » Kooxda Arsenal Oo Safarkeeda Cayaareed Ee Qaarada Asia Guul Ku Bilaawday Kulan Oo Sedexley Dhaliyay Chuba Akpom

Kooxda Arsenal Oo Safarkeeda Cayaareed Ee Qaarada Asia Guul Ku Bilaawday Kulan Oo Sedexley Dhaliyay Chuba Akpom


Arsenal-v-Singapore-XI

Xidiga dhalinta yar ee kasoo dalacay xarunta Arsenal ee cayaartooyda lagu bar baariyo Chuba Akpom ayaa wacdaro ka dhigay kulankii ugu horeeyay ee saaxiibtinimo oo ay Gunners-ka xagaagan cayaarto.

Chuba Akpom ayaa sedexley dhaliyay cayaar Arsenal ay 4-0 ku suul daartay xidigaha Singapore All Stars weliba wiilkan dhalinta yar bandhig heer sare ah ayuu la yimid.

Arsenal ayaa haatan Finalaha tartanka Barclays Asia Trophy la cayaari doonto naadiga Everton oo iyada Stoke City ka badisay.

Macalin Wenger ayaa ku faraxsan in Chuba Akpom uu dadaal dheeri ah lasoo baxo waxaana haatan loo balan qaaday inuu xili cayaareedka cusub Arsenal la cayaari doono sidoo kalena uu tartan la gali doono xidigaha caalamiga ah Alexis Sanchez, Olivier Giroud iyo Danny Welbeck.

Xidigan dhalinta yar ee dalka England u dhashay aya labadii bilood ee ugu dambeesay qaab amaah ah kula joogay naadiga Nottingham Forest balse markaan waa hubaal in markale amaah loo diri doono madaama uu kulankiisii ugu horeeyay sedexley dhaliyay.

Singapore XI 0-4 Arsenal: Akpom grabs hat-trick in routine pre-season victory

Chuba Akpom ayaa goolka ugu horeeyay dhaliyay daqiiqadii 30-aad waxaana Arsenal kadib hogaankeeda 2-0 ka dhigay Jack Wilshere oo rigoore gool u badalay.

Qaybtii labaad ee cayaarta Chuba Akpom oo 19-jir ah ayaa labo gool oo dheeri ah dhaliyay aisgoo daqiiqadii 76-aad dhaliyay rigoore halka daqiiqadii 79-aad uu gool caadi ah dhaliyay.

Arsenal ayaa guusha ku qaadatay 4-0 waxayna safarkeeda cayaareed ee qaarada Asia ku bilaawday guul weyn.

Xidigah Arsenal kulankan u safteen: Martinez (Szczesny 46), Debuchy (Bellerin 72), Mertesacker, Gabriel, Monreal, Flamini (Willock 64), Coquelin, Wilshere (Crowley 64), Oxlade-Chamberlain (Zelalem 64), Iwobi (Toral 72), Akpom

Garoonka National Stadium, Singapore waxaa usoo daawasho tageen 29,867 oo taageerayaal ah.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>