Kooxda As Roma ee dalka talyaaniga ayaa ku warantay iney wadahadalo suurtagal ka dhigi kara iney lasoo saxiixato Peter Cech kula jirto kooxda Chelsea ee ka dhisan galbeedka London.
32-jirkaan reer Czech Republic ayaa u furan inuu isaga tago kooxda Chelsea, kadib markii uu waayay booskiisii kooxda waxaana kala baxay da’yarka reer Belgium Thibaut Courtios.
Peter Cech oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay ku sugnaa kooxda Blues ayaa kursiga keydka haatan fadhiya wuxuuna ka mid ahaa wiilashii lagu kiciyay kacaankii Chelsea 2004 uu ka bilaabay Jose Mourinho isagoo xiligaas kaga soo biiray kooxda reer France ee Rennes.
Si Kastaba The Express ayaa qireysa iney jiraan warar hoose oo iclaaminaya in Roma ay wadahadalo kula jirto kooxda Chelsea si ay ula saxiixato Peter Cech marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.
Ugu dambeyntiina Peter Cech ayaa kaliya laba kulan kasoo muuqday kooxdiisa Chelsea xili ciyaareedkaan isagoo waqtigiisa badi ku qaata kursiga keydka.