Home » Maxaa Cusub » Kooxda Atletico Madrid Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Xidiga Dortmund – Ilkay Gundogan –

Kooxda Atletico Madrid Oo Kusoo Biirtay Loolanka Loogu Jiro Xidiga Dortmund – Ilkay Gundogan –


Ilkay-G-ndogan_3247293

Wargeska The Bild ee ugu caansan dalka Jarmalka ayaa sheegay in naadiga Atletico Madrid ay baadi goob xoogan haatan ugu jirto Ilkay Gundogan oo khadka dhexe uga cayaaro kooxda Dortmund.

Kooxda Atletico Madrid ayaa u aragto in 24-jirkan uu buuxin karo boosaska Koke iyo Mario Suarez oo siweyn loo hadal haayo inay xagaaga nagu soo fool leh Atletico isaga tagi doonaan.

Sidaa darteed Atletico ayaa la xariirtay wakiilka Gundogan oo soo dhaweeyay dalabkooda wuxuuna ku wargaliyay inay qandaraas kula jiraan naadiga Dortmund sidoo kalena ay la xariiraan si ay u tixgaliyaan xiriirka ay la yihiin maamulka Dortmund.

Xidigan xulka Jarmalka ka tirsan qandaraaskiisa kaliya 12-bilood ayaa ka hari doono marka la gaaro xagaagan wuxuuna haatan dib usoo ceshtay qaab cayaareedkiisii aadka u wanaagsanaa inkastoo xili cayaareedkii hore uusan wax kubad ah cayaarin.

Gundogan xili cayaareedkan 23-kulan ayuu kooxdiisa Dortmund u saftay balse Atletico si sahal ah kuma heli doonto waayo kooxaha Man United, Man City, Chelsea, Juventus iyo Barcelona ay saxiixiisa ku raad joogaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>