Home » Maxaa Cusub » Kooxda Atletico Madrid Oo Si Lama Filaan Ah U Sheegtay Inay Dooneyso Stevan Jovetic

Kooxda Atletico Madrid Oo Si Lama Filaan Ah U Sheegtay Inay Dooneyso Stevan Jovetic


steven

Kooxda Atletico Madrid ayaa isha la raaceyso inay bisha Janaayo lasoo saxiixato weeraryahanka kooxda Man City Stevan Jovetic.

Macalinka naadiga Atletico Diego Simeone ayaa taageero u ah Jovetic oo ka tirsan xulka Montenegro wuxuuna macalinkan doonayaa inuu bisha Janaayo gacanta kusoo dhigo.

Inkastoo Stevan Jovetic uu horey u sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha dalka England sidoo kalena uu diyaar  yahay inuu booskiisa u halgamo hadana Fichajes.com ayaa sheegay in laacibkan ay macquul tahay inuu bisha Janaayo qaab amaah ah ku aado kooxda Atletico Madrid.

Jovetic heshiiska uu Man City kula jiro ayaa ku eg sanada 2018 balse kama mid ahan xidigaha uu joogtada u cayaarsiiyo macalin Manuel Pelligrini.

Sidaa darteed Atletico Madrid ayaa dooneyso inay bisha Janaayo amaah ku qaadato xidigan tayada wanaagsan sidoo kalena ay si toos ah ula wareegto marka uu xili cayaareedkan dhamaado hadii uu la qabsado garoonka Vicente Calderon.

Waxaana Jovetic lagu qiimeeyaa 30-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay bixin karto kooxda ku guuleesatay La Ligaha Spain xili cayaareedkii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>