Home » Horyaalada » La liga » Kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay In Valdes Uu Maqnaan Doono Ilaa Sanadka Cusub Ee 2014

Kooxda Barcelona Oo Xaqiijisay In Valdes Uu Maqnaan Doono Ilaa Sanadka Cusub Ee 2014

342299_heroa

Kooxda Barcelona ayaa Xaqiijisay In Goolhayaheeda Victor Valdes uu Garoomada ka maqnaan doono ilaa sanadka cusub ee 2014 kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii  South Afria 1-0 uga adkaaday Xulka SPain kulan saaxiibtinimo oo dhacay Talaadadii lasoo dhaafay.

31 Jirkaan ayaa lagu badalay Iker Casillas markii ay dhamaatay qeybtii hore ee cayaarta, laakiin nasiib darro dhaawac ayaa soo gaaray markii qeybtii dambe ay mareysay 25 Daqiiqo waxaana  goolhayihii sedexaad oo soo gala noqday Pepe Reina.

Kooxda Caafimaadka ee Xulka Spain ayaa xaqiijiyeen in xidigaan uusan safan karin ilaa sanadka 2014 kadib markii ay saareen  Health Scan.

Warmurtiyeed lagu qoray website-ka ay leedahay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay ” Tijaabada la sameeyey maantay ayaa xaqiijineysa  in Xidigaan uusan safan karin ilaa sanadkan 2014 kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray lugtiisa bidix.

Valdes ayaa kooxdiisa Barcelona u saftay 19 Kulan Xilli Cayaareedkaan, isagoo dhaawac ah, lamana oga go’aanka ay kooxda Barcelona ka qaadan doonto dhaawacaan halista ah ee soo gaaray goolhayaheeda.


Waxaa Aqrisay: (52)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>