Masuuliyiin ka socdaan naadiga Boca Juniors ayaa dalka Talyaaniga ku sugan waxayna kulan la qaadanayaan dhigooda kooxda Juventus si ay kaga hadlaan mustaqbalka Carlos Tevez.
Weeraryahanka reer Argentina ayaa sheegay inuu dhulkiisa hooyo ku laaban doono sidoo kalena uu dhibsaday nolosha qaarada Yurub.
Balse kooxda Juventus ayaa kubada adag la cayaareyso dhigeeda Boca Juniors madaama Tevez qandaraaskiisa 12-bilood ka harsan tahay.
Kooxda Juventus aya dalabaneyso in €6.5m laha siiy Carlos Tevez madaama uu heshiis kula jiro sidoo kalena maamulka Juve diyaar uma ahan inay rabitaaanka Tevez ka hor imaadaan.
Kooxda Boca Juniors ayaan rabin inay saxiixa Tevez lacago ku bixiso balse dhigeeda Juventus waxay ku wareejin doontaa cayaaryahankeeda Guido Vadala oo heshiiskan qayb ka noqon doono.
Guido Vadala waa 18-jir weerarka kaga cayaaro Boca Juniors waxayna Juve dooneysaa xidigan dhalinta yar siin doontaa fursad uu magaalada Turin ugu noolaado.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in sidoo kale Juventus loo ogolaaday inay mustaqbalka dhow iibsato labada xidig ee naadiga Boca Juniors ka tirsan Franco Cristaldo iyo Cristian Pavon.
Sidaa darteed labada naadi ayaa wada saxiixan rabaan heshiis is fahan ku dheehan oo ay doonayaan inay hada kadib cayaartooy is weedarsadaan.