Naadiga Chelse ee da’dooda ka hooseyso 19-sano ayaa ku guuleesteen koobka loo dhigo dhamaan kooxaha reer Yurub ee dhalinta yar UEFA Youth League.
Chelsea ayaa 3-2 kaga qaaday finalaha tartanka qiimaha badan UEFA Youth League naadiga Shakhtar Donetsk.
Kabtanka kooxda Chelsea ee dhalinta yar Isaiah Brown ayaa qaatay geesiga garoonka madaama uu koxdiisa laba gool u dhaliyay kulankan Finalaha ah sidoo kalena tartanka UEFA Youth League markii ugu horeesay Chelsea u qaaday.
Kulankan Finalaha oo ka dhacay magaalada Nyon ee dalka Switzerand ayaa kusoo idlaaday si aad u wanaagsan waan sanadkii labaad ee tartankan la qabanaayo waxaana sanadkii hore ku guuleesatay naadiga Barcelona ee dhalinta yar.
Chelsea ayaa tartankan awood ku qaaday waayo cayaartii Semi-finalaha oo ay cayaartay jimacadii dhaweyd waxay 4-0 ku xasuuqday kooxda Roma.
Haatana 3-2 ayay kaga qaaday naadiga Shakhtar Donetsk oo ka mid ahayd kooxaha ugu adkaa ee xili cayaareedkan ka qayb qaatay tartanka UEFA Youth League.
Chelsea Iyo Sida Ay Koobkan Ku Qaaday:
Qaybta Group G ayay ku jireen:
Chelsea 4-1 Schalke
Sporting CP 0-5 Chelsea
Chelsea 2-0 Maribor
Maribor 0-7 Chelsea
Schalke 2-0 Chelsea
Chlesea 6-0 Sporting CP
Wareega 16-aad: Chelsea 3-1 Zenit St Petersburg
Wareega 8-aad: Chelsea 2-0 Atletico Madrid
Semi-finals: Chelsea 4-0 Roma
Final: Chelsea 3-2 Shakhtar Donetsk