Home » Maxaa Cusub » Kooxda Chelsea Oo Sare U Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Daafaca Naadiga Everton John Stones

Kooxda Chelsea Oo Sare U Qaaday Qiimaha Ay Ku Dooneyso Daafaca Naadiga Everton John Stones


John-Stones

Wargeska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay haatan dhigeeda Man United kaga guuleesan rabto saxiixa daafaca xulka England John Stones.

Daafacan tayada wanaagsan wuxuu diyaar u yahay inuu kooxdiisa Everton isaga hayaamo sidoo kale dalabyo kala duwan Man United iyo Chelsea ayuu ka heestay.

Haatan Daily Mail ayaa baahisay in Chelsea ay sare u qaaday lacagaha ay ku dooneyso Stones sidoo kalena dalab £26m ayay kooxda Everton u gudbisay.

Chelsea waxaa horey looga diiday dalab £20m ah sidaa darteed si uusan waqti kaga lumin waxay ku rajo weyn tahay £26m ee miiska u saartay Everton in laga aqbali doono.

21-jirkan xulka England ayuu ka tirsan sidoo kalena waaya aragnimo ku filan ayuu heestaa madaama uu Everton su joogto ah ugu cayaaro.

Sidaa darteed Chelsea ayaa ku kalsoon inuu buuxin karo boosaska John Terry ama Gary Cahill hadii mid dhaawac soo gaaro ama uu hoos u dhac qabsado xili cayaareedka dambe.

Weliba waxaa si gaar ah loo sheegay in Stones uu mustaqbalka dhow John Terry oo 34-jir ah badal u noqon doono waa hadii ay Chelsea saxiixiisa daafacan ku guuleesato.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>