Home » Maxaa Cusub » Kooxda Colorado Ee Dalka Mareykanka Oo Beenisay Iney Xiriir La Sameysay Charles Puyol

Kooxda Colorado Ee Dalka Mareykanka Oo Beenisay Iney Xiriir La Sameysay Charles Puyol


Puyol

Sida ay qortay Danver Post kooxda ka dhisan horyaalka Mareykanka ee Colorado Rapids ayaa shaacisay ineysan dadaal ugu jirin saxiixa halyeeyugii hore Barcelona Charles Puyol.

Waxaa waayadaan soo baxayay warar dhowr ah oo Charles Puyol la xiriirinaya dib ugu soo laabashada kubada cagta isagoo dalabyo ka helay kooxo ka dhisan horyaalada Mareykanka iyo Qatar.

Wararka la isla dhexmarayo ayaa tibaaxayay in kooxda Colorado ay safka hore ugu jirtay loolanka xidigaan, balse ilo ku dhaw kooxdaan ayaa warkaas gaashaanka u daruuray iyagoo ku tilmaamay sheeko aan jirin.

Colorado ayaa qirtay ineysan jirin wax la dhameeyay ama lasoo afjaray, inkastoo aysan arinta kasii hadal am aysan sheeginba iney xitaa qorsheynayaan.

Ugu dambeyntii suurtagalnimada ah in Puyol uu dib ugu soo laabto garoomada kubada cagta ayaa ah wax macquul ah balse sida la aaminsan yahay wuxuu ka ciyaari doonaa horyaalada ay duqowdu ka ciyaarto sida: MLS, Qatar iyo Hindiya.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>