Home » Horyaalada » Bundesliga » Kooxda Dortmund Oo Beenisay In Marco Reus Markale Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray

Kooxda Dortmund Oo Beenisay In Marco Reus Markale Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray


Reus

Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in weeraryahanka xulka Jarmalka Marco Reus uu dhaawac cusub soo gaaray xili uu kooxdiisa xili cayaareedka cusub iskula diyaarinaayo.

Balse naadiga Dortmund ayaa si rasmi ah u beenisay in Marco Reus uu xaalad halis ah ku sugan sidoo kalena waxay ku tilmaantay in jug yar ay xidigan soo gaartay.

Taageerayaasha Dortmund ayaa walaac xoogan qabeen balse qoraal rasmi ah oo ay kooxdan barta Twitter-ka soo dhigtay ayaa lagu sheegay in xidiagn jug iska sahlan ay lugta kasoo gaartay.

Sidoo kale macalinka Thomas Tuchel ayaa sheegay in Reus uu tababarka kooxda kasoo muuqan doono sida uga dhaqsiyaha badan sidoo kalena aysan jirin xaalad laga walaaco.

Dhinaca kale agaasimaha Dortmund Michael Zorc ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa ay keeni doonto badalka Ciro Immobile oo dhawaan qaab amaah ah naadiga Sevilla ku aadan wuxuuna yiri “Marnaba ma dhihin weeraryahan kale uma baahnin”

“Waa qasab inaan badalka Ciro Immobile lasoo saxiixano madaama aan tartamo kala duwan cayaari doono xili cayaareedka cusub”

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>