Home » Horyaalada » Bundesliga » Kooxda Dortmund Oo Go’aankeeda Badashay Diyaarna U Ah Inay Mats Hummels Iska Iibiso

Kooxda Dortmund Oo Go’aankeeda Badashay Diyaarna U Ah Inay Mats Hummels Iska Iibiso

Hummels 4

Wargeska The Bild ayaa sheegay in naadiga Dortmund maamulkeeda ay markale kulan qaadan doonaan maal maha nagu soo fool leh waxayna ka arinsan doonaan mustaqbalka Mats Hummels.

The Bild ayaa warbixin ka helay shaqsiyaadka aadka ugu dhow Dortmund waxaana wargeskan loo sheegay in daafaca xulka Jarmalka Mats Hummels ay kooxdiisa dhawaan iska iibin doonto.

Dortmund maalmo ka hor waxay iska diiday daafaceeda dhalinta yar Matthias Ginter inay naadiga Borussia Moenchengladbach waxaana 21-jirkan loo balan qaaday boos joogto ah.

Sidaa darteed maamulka Dortmund waxay xili cayaareedka dambe fursad siin doonaan Matthias Ginter waxayna xagaagan iska iibin doonaan Mats Hummels oo ay lacago badan Man United ku baadi goobeyso.

Kooxda Dortmund waxay daafacan tayada wanaagsan ku dooneysaa £37m waana qiimo ay kooxda Man United diyaar la tahay.

Macalin Luis Van Gaal ayaa taageero weyn u ah Hummels wuxuuna doonayaa inuu xagaagan gacanta kusoo dhigo sidoo kalena uu ku xaliyo dhibaatada dhanka daafaca United ka heesato.

Sidoo kale The Bild ayaa sheegay in Hummels uu dalabyo ka duwan ka heesto kooxaha Man City, Arsenal iyo Bayern Munich balse uu si gaar ah u xiiseenayo inuu naadiga Man United ku biiro xagaagan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>