Home » Maxaa Cusub » Kooxda Dortmund Oo Ku Wargalisay Liverpool Iyo Tottenham Qiimaha Lagu Heli Karo Ciro Immobile

Kooxda Dortmund Oo Ku Wargalisay Liverpool Iyo Tottenham Qiimaha Lagu Heli Karo Ciro Immobile


Ciro Immobile

Wargeska Foot Mercato ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in kooxda Dortmund ay go’aansatay inay xagaagan iska iibiso weeraryahankeeda Ciro Immobile.

Xidigan awooda badan xagaagii hore waxay Dortmund €19m kaga soo iibsatay naadiga Torino ayadoo ku rajo weyneed inuu ka caawin doono dhalinta goolasha balse midaas ma dhicin wuxuuna xidigan ku fashilmay la qabsiga Bundesligaha.

Sidaa darteed waxay Dortmund fariimo kala duwan u dirtay kooxaha doonayo weeraryahanka reer Talyaani oo ay ugu horeeyaan Liverpool, Tottenham Monaco, Marsielle iyo Lyon waxayna ku wargalisay in xidigan lagu heli karo €15M.

Kooxda Dortmund waxay dooneysaa qiimaha ay ka hesho iibka Immobile inay xagaagan kusoo iibsato weeraryahanka naadiga Anderlecht Aleksandar Mitrovic.

Sidaa darteed Liverpool iyo Tottenham waxaa aad ugu sahlanaan doonto saxiixa Immobile marba hadii ay kooxdiisa suuqa Yurub soo dhigtay.

Ciro Immobile wakiilkiisa dhawaan wuxuu sheegay in xidigan uu tixgalin doono qandaraaska uu kooxdiisa Dortmund kula jiro hadii ay fasaxeysana ay u dhaqaaqi doonaan mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.

Hadaba Liverpool oo baadi goob ugu jirto helitaanka weeraryahan tayo wanaagsan maka faa’iideesan doontaa Immobile oo haatan qiimo jaban lagu heli karo!

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>