Home » Maxaa Cusub » Kooxda Faransiiska ka dhisan Ee PSG Oo Dalab Waali Ah U Gubdineysa Real Madrid Si Ay Uga Hesho Cristiano Ronaldo

Kooxda Faransiiska ka dhisan Ee PSG Oo Dalab Waali Ah U Gubdineysa Real Madrid Si Ay Uga Hesho Cristiano Ronaldo


Cristiano Ronaldo celebrates scoring Real Madrid's second goal in the 6-2 win over Málaga

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Paris Saint Germain ayaa diyaarineysa qorshe waali ah oo ay kusoo xerogalineyso Cristiano Ronaldo madama ay dalab dhan 84.9 Malyan Oo Pound u gudbineyso Real Madrid.

30-jirkaan heerka caalami ee xulka Portugal ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu ka tagayo Los Blancos xagaagan waxaana qandaraaskiisa uu egyahay 2018, 225-gool ayuu dhaliyay 200 kulan oo uu u saftay La Liga kooxda Madrid.

Sida ay qortay Daily Telegraph, Ronaldo ayey xurguf dhexmartay isaga iyo Benitez xerada tababarka taasoo keentay in si waali ah loo hadal hayo arimaha ku aadan bixitaankiisa.

Sidoo kale Manchester United oo ah kooxdii uu horay ugu soo ciyaaray ayaa sidoo kale xidigaan isha ku heysa, balse PSG ayaa markaan ugu cad-cad.

Si kastaba Madrid ayaan la ogeyn sida ay uga fududahay iney iibiso Cristiano Ronaldo oo sanadii 2009 kaga soo biiray kooxda Old Trafford ku ciyaarta.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>