Sida ay shaacisay lagu shaaciyay Daily Mail xidigii hore kooxaha Chelsea iyo Leeds United Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa loo magacaabay macalinka kooxda heerka labaad ee dalka Ingiriiska Burton Albion.
Hasselbaink ayaa soo afjaray waayahiisa kubada cagta sanadii 2008, isagoo ku sugan kooxda Cardiff City, wuxuuse shaqo maamul kasoo qabtay kooxda Nottingham Forrest, isagoo sidoo kale sanadkii ugu dambeeyay tababare u ahaa kooxda Royal Antwerp ee ka ciyaarta heerka labaad dalka Belgium-ka.
“Kooxda Burton Albion waxey ku faraxsan tahay iney Jimmy Floyd Hasselbaink ay u magacowdo macalinka cusub ee kooxda” Ayey u qorneed warbixin kasoo baxday kooxda Burton Albion.
Burton Albion ayaa raadineysay macalin cusub kadib markii Gary Rowett uu kooxda ka tagay October 2007.
Dhanka kale Hasselbaink ayaa ku faraxsan inuu tababare u noqdo kooxda Burton Albion isagoo doonaya inuu ku daydo macalinkii haatan xilka ka dagay ee Gary Rowett.
Ugu dambeyntii Hasselbaink ayaa noqonaya macalinkii afaraad oo madow ah kalar ahaan isla markaana tababare ka ah afarta heer ee ugu sareeya dalka Ingiriiska waxaana sadexda kale ay kala yahiin: Chris Powell, Carlisle. Keith Curle.