Kubad sameeyaha reer Brazil Roberto Firmino haatan waa xidiga loogu doonista badan yahay qaarada Yurub sidoo kalena kubada cagta hormar wanaagsan ayuu ka sameenayaa.
Kooxda Hoffenheim oo uu Roberto Firmino ka tirsan ayaa sheegtay in dalab €25m ay miiska usoo saartay mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu caansan.
Naadiga reer Jarmal ayaa isak diiday inay saxaafada la wadaagto kooxda ay dalabkan ka diiday balse waxaa la aaminsan yahay inay tahay naadi Yurub caan ka ah.
Roberto Firmino waxaa si adag ugu raad joogaan saxiixiisa kooxaha Arsenal, Chelsea, Juventus, Liverpool, Man United iyo Inter Milan.
Sidaa darteed mid ka mid ah kooxahan caanka ahaa ku hungowday inay gacanta kusoo dhigto kubad sameeyahan haatan wacdaraha ka dhigaayo Bundesligaha Jarmalka.
Wargeska The Bild ayaa sheegay in naadiga Hoffenheim aysan xidigan ceshan karin madaama uu doonayo inuu xili cayaareedka dambe kasoo muuqdo koobka horyaalada Yurub.
Balse kooxda reer Jarmal ma dooneyso inay qiimo jaban xidigan xulka Brazil ka tirsan ku fasaxdo marba hadii ay iska diiday €25m dalab ah.