Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Inter Milan Oo Wali Ku Riyooneysa Iney La Saxiixato Xidiga Manchester City Yaya Toure

Kooxda Inter Milan Oo Wali Ku Riyooneysa Iney La Saxiixato Xidiga Manchester City Yaya Toure


toure

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay wali rajo fiican ka qabto iney soo xerogaliso xidiga mudada badan ay bartilmaameed sanayeen ee Yay Toure.

“Waqtigaan waan ku riyooneynaa” Ayuu yiri Piero Ausilio

Piero Ausilio ayaa sidoo kale rajeynaya in kooxdiisa ay mustaqbalka dhaw lasoo saxiixato xidgiaan reer Ivory Coast kaas oo la aaminsan yahay inuu xagaagan isaga tagayo kooxda Inter Milan.

“Waxaan dooneynaa inaan dhisno wax noqon kara xaqiiq, waxaana dhici kara in Toure uu ku fakarayo inuu horyaal kale ka ciyaaro” ayuu yiri Piero Ausilio

Sidoo kale Piero Ausilio ayaa qiray in kooxda uu haatan la joogo ee Manchester City ay tahay koox weyn isla markaana ay adag tahay iney lumiso xidig sida Yaya Toure oo kale ah.

Mustaqbalka Yaya Toure ee kooxda ayaan wali kala cadaan xili ay jirtya in dhawaan ay isku dhaceen maamulka kooxda iyo xidigaan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>