Kooxda Juventus ayaa xagaagan dooneysa iney sameyso isbadal xoog leh madama ay si xowli ah ugu jirto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxeyna markaan u dukaameysi tagtay horyaalka Ingiriiska.
Khedira, Dybala, Mandzukic iyo Zaza ayaa yimid kooxda balse wali maamulka kooxda waxey u hanqal taagayaan ciyaartoy cusub markaana kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayey laba ciyaariyahan ka doonayaan.
David Silva iyo Cuadrado ayey Juventus dooneysaa iney lasoo saxiixato sida ay tilmaamayaan warbixino ka imaanaya dalka Talyaaniga.
Sida wararka xanta ah ay tilmaamayaan Juventus waxaa laga yaabaa iney lumiso Paulo Pogba iyo Arturo Vidal waxeyna dooneysaa iney badal uga dhigto labadaan xidig.
The Times oo ah wargeys kasoo baxa ingiriiska ayaa qoray in labadaan xidig ay si aad ah u dooneyso Juventus, balse lama oga hadii kooxahooda ay ka maarmi karaan.