Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Juventus Oo Sheegtay In Carlos Tevez Aysan Marnaba Ku Cadaadin Doonin Inuu Heshiis Cusub Saxiixo

Kooxda Juventus Oo Sheegtay In Carlos Tevez Aysan Marnaba Ku Cadaadin Doonin Inuu Heshiis Cusub Saxiixo


images

Inkastoo Carlos Tevez ay haatan qal qaalo ugu jirto saxiixiisa kooxda Liverpool hadana agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa sheegay inaysan xidigan marnaba cadaadis saari doonin.

Mr. Giuseppe Marotta ayaa sheegay inay Tevez ka sugi doonaan go’aanka ugu dambeeyo sidoo kalena ay marwalbo tixgalin doonaan waxa uu la imaado.

Weeraryahanka reer Argentina heshiiska uu Juventus kula joogo waxaa ka harsan mudo 12-bilood oo qura waxaana la hadal hayaa inuu dalkiisa hooyo ku laaban doono.

Balse wargeska The Express ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay haatan lasoo xariirtay Tevez wakiilkisa sidoo kalena ku qal qaalineyso xidigan inuu dib ugu soo laabto EPL.

Carlos Tevez ayaa ah hogaamiyaha kooxda Juventus wuxuuna xili cayaareedkan kooxdiisa u dhaliyay 33-gool dhamaan tartamada kala duwan.

Sidaa darteed Giuseppe Marotta wuxuu yiri “Carlos waa xidig nagu qaali ah balse marwalbo go’aanka uu la imaado ayaan tixgalin doonaa”

“Waxaan ka rajeynaa inuu nala sii joogo sanado badan balse marnaba Juve cadaadis kuma saari doonto inuu heshiis cusub saxiixo ama uu go’aankiisa badalo”

 

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>