Kooxda Liverpool xili cayaareedkii dhawaa fashil weyn ayaa ku habsaday waxayna ku guul dareesatay inay ka mid noqoto 4-naadi ee Premiership-ka England ugu sareeyaan.
Reds xili cayaareedka nagu soo fool leh kama qayb qaadan doonto koobka horyaalada Yurub waxana macalin Brendan Rodgers saaran cadaadis weyn oo ah in xili cayaareedka cusub 2015/16.
Ka hor inta uusna bilaabin Premiership-ka England Liverpool kulamo saaxiibtinimo ayay cayaari doontaa sidoo kalena safar cayaareed waxay ku aadi doontaa Bariga fog iyo koonfurta Asia.
Hadaba hoos kaga bogo kulamada saaxiibtinimo oo ay Liverpool cayaari doonto:
July 14: True Thai Premier League All Stars Vs Liverpool (Rajamangala Stadium, Bangkok)
July 17: Brisbane Roar Vs Liverpool (Suncorp Stadium, Brisbane)
July 20: Adelaide United Vs Liverpool (Adelaide Oval, Adelaide)
July 24: Malaysia XI Vs Liverpool (Bukit Jalil National Stadium, Kuala Lumpur)
August 1: HJK Helsinki Vs Liverpool (Olympic Stadium, Helsinki)