Garabka Kooxda F.C. Basel ahna wiilka ay ku faanaan dadka Masaarida ee Mohamed Salah ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda Liverpool sida laga soo xigtay saaxiibka ay isku dhawyihiin xidigaan ee Mohamed Zika oo kasoo muuqday talafashin ku yaala dalka Masar oo warbixintaan shaaciyay.
Messi-ga dadka reer Masar ayaa 99% lagu wadaa inuu ku biiro Kooxda Liverpool marka la gaaro Bisha January oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba sibuuc.
Zika oo laga wareysay xaalada saaxiibkii ayaa shaaca ka qaaday in Mohamed Salah uu ku biiri doono Liverpool isla markaana taas ay tahay wax isaga u cad oo aa shaki ugu jirin.
“Haa waan hubaa in Salah uu ku biiri doono Liverpool” ayuu u sheegay talafashin ku yaala dalka Masar.
Ugu dambeyntii Liverpool ayaa diyaar la ah qiimaha kooxda Basel ay ku dooneyso iney ku iibiso Salah oo ah €12million inkastoo xiiseynta xidigaan ay kula dagaalamayaan kooxaha Manchester United & Chelsea
Waxaa Aqrisay: (117)
Mogadishu - Somalia