Liverpool ayaa ku warnatay iney ku dhawdahay saxiixa daafaca midig ee kooxda Southampton Nathaniel Clyne kadib markii ay miiska u saartay kooxdiisa aduun dhan 10.5 Malyan Oo Pound, iyadoo sidoo kale sare ugu sii qaadi doonta ilaa 12.5 Malyan.
Reds ayaa lagu soo diiday dalab 10 Malyan Oo Pound ah oo ay ka gudbisay xidigaan reer England, balse waa iney isbadal la timaado si ay u hesho xidigaan inkastoo kooxda Saint lagu neynaaso ay 15 Malyan ku dooneyso wiilkeeda.
Telegraph ayaa qortay in Southampton ay ku qasban tahay ogolaashaha lacagaha dalabka labaad ee Liverpool madama xidigaan kaliya hal sanadood uu kaga haray qandaraaskiisa waxeyna ka cabsi qabtaa inuu xor kaga tago 12-bilood kadib.
Nathaniel Clyne ayaa noqon kara saxiixa lixaad ee Liverpool xagaagan wuxuuna Anfield kula midoobi doonaa Lallana, Lambert iyo Lovren oo Southampton horay uga tirsanaa sidoo kalana wuxuu jawiga ku cusb Merseyside kala mid yahay Milner, Ings, Bodgan, Gomez iyo Firmino.
Ugu dambeyntii Liverpool ayaa dar-dar ka wada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxeyna haatan sameeyeen saxiixyo ay u baahneed.