Home » Maxaa Cusub » Kooxda Liverpool Oo Qorshaha Ku Darsatay Inay Xagaagan Lasoo Saxiixato Mario Mandzukic

Kooxda Liverpool Oo Qorshaha Ku Darsatay Inay Xagaagan Lasoo Saxiixato Mario Mandzukic


Mandzukic

The Express ayaa sheegay in kooxda Liverpool ay xagaagan iska fasixi doonto xidigaha kala ah Mario Balotelli, Rickie Lambert iyo Fabio Borini madaama ay ku fashilmeen inay Anfield wax kusoo kordhiyaan.

Sidaa darted Reds ayaa bartilmaameed kowaad ka dhigan doonto weeraryahanka naadiga Atletico Madrid Mario Mandzukic oo dhawaan sheegay inuu kooxdiisa xagaagan isaga hayaami doono.

Weeraryahanka reer Croatia ayaa doonayo inuu Premiership-ka England usoo dhaqaaqo waxayna Liverpool saxiixiisa ku guul dareesatay xili cayaareedkii hore asigoo naadiga Bayern Munich ka tirsanaa.

Daily Star ayaa qoray in Liverpool ay 28-jirkan ku heli karto 20-milyan oo pound madaama uusan ku qanacsaneyn qaabka uu qaybihii dambe ee xili cayaareedkan ula dhaqmay macalin Diego Simeone.

Mario Mandzukic inkastoo xili cayaareedkan hoos u dhacyo badan soo wajaheen hadana kooxdiisa Atletico Madrid 20-gool ka badan ayuu xili cayaareedkan u dhaliyay dhamaan tartamada kala duwan.

Halka Liverpool xili cayaareedkan ay weesay weeraryahan 10-gool xitaa u dhaliyo sidaa darteed macalin Brendan Rodgers ahmiyad weyn ayuu siin doonaa sidii uu Mandzukic ku keeni lahaa garoonka Anfield.

Balse Liverpool uma sahlanaan doonto saxiixa xidigan madaama ay ku raad joogaan kooxo badan sida Man City, Wolfsburg, Juventus iyo PSG.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>