Kooxda Man City ayaa niyad jab weyn kala kulantay sidii ay kusoo xero galin laheyd kubad sameeyaha reer Belgium Kevin De Bruyne.
De Bruyne wuxuu ka mid ahaa xidigaha qorshaha kowaad ugu jiray Man City inay xagaagan lasoo saxiixato balse haatan naadiga VFL Wolfsburg ayaa si rasmi ah u sheegtay in De Bruyne uusan beec ahayn.
Francisco Garcia oo ka mid ah madaxda ugu sareyso kooxda Wolfsburg wuxuu yiri “Wolfsburg diyaar uma ahan inay cayaartooy iska iibiso sidoo kalena Kevin marnaba kooxda xagaagan kama tagi doono”
“Dabcan Kevin isagana waa inuu ku qanacsan yahay joogitaanka halkan mana ka walaacsani xaaladiisa madaama uu aad ugu faraxsan yahay ka mid ahaan shaha Wolfsburg”
24-jirkan kubada sida wacan u qaabeen karo sidoo kale kooxda PSG ayaa saxiixiisa ku raad joogtay balse hadalka kasoo yeeray maamulka Wolfsburg ayaa muujinaayo in xagaagan aan la iibin doonin.
De Bruyne waxaa lagu qiimeeyaa 50-milyan oo pound balse kooxdiisa Wolfsburg waxay dooneysaa inay xidigan ceshato madaama ay xili cayaareedka cusub ka qayb qaadan doonto koobka horyaalada Yurub.