Wargeska AS ayaa sheegay in kooxaha Man United iyo PSG ay haatan dabagal xoogan ku hayaan xaalada Cristiano Ronalod oo aan la dhacsaneyn marxalada ay kooxdiisa ku sugan tahay.
Ronaldo ayaa saluugsan go’aanka ah in macalin Carlo Ancelotti laga fariisan doono shaqada Real Madrid sidoo kalena xidigan wuxuu dhawaan kulan xasaasi ah la qaadan doonaa gudoomiyaha Real Madrid Florentino Perez.
Milkiilaha kooxda PSG Nasser Al Khelaifi ayaa lagu wadaa inuu magaalada Madrid gaaro sidoo kale uu u kuur galo kulanka Ronaldo la yeelan doono maamulka Madrid.
Wuxuuna doonayaa Nasser Al Khelaifi inuu wada hadalo la yeesho Ronaldo wakiilkiisa asigoo u balan qaaday lacago waali ah.
Weliba masuulkan wuxuu AS u sheegay inay diyaar la yihiin €125M inay Ronaldo ku iibsadaan taasi oo ka dhigi doonto cayaaryahanka ugu qaalisan ee ebid la iibsado.
Sidoo kale Man United ayaa dhankeeda dadaal xoogan wado waxayna heegan galisay saraakiisheeda ku sugan dalka Spain si ay xaalada Ronaldo uga warqabaan sidoo kalena xidigan ula xariiraan hadii uu fashil ku dhamaado kulanka uu maamulka Madrid weeraryahankan la qaadan doono.