Wargeska Daily Star ayaa sheegay in kooxda Man United ay haatan sare u qaaday qiimaha ay ku dooneyso xidiga reer Brazil ee khadka dhexe kaga cayaaro kooxda SS Lazio Felipe Anderson.
Man United ayaa dalab £30m ku tijaabin doonto mowqifka kooxda Lazio oo ah inaysan xagaagan iska iibin laacibkan hormarka wanaagsan sameeyay xili cayaareedkan.
Daily Star ayaa sadaalinaayo in kooxda Lazio au u dhaga nuglaan doonto dalabka Man United oo ah mid aad u sareeyo marka loo fiiriyo kooxdan in Anderson uusna ugu fadhinin qiimo buuran.
22-jirkan ayaa xili cayaareedkan ka mid noqday xidigaha ugu wanaagsan Serie A-da madaama uu la yimid dhalin joogto ah iyo kubad dhiibis aragti ku dheehan.
Wuxuuna macalin Luis Van Gaal aaminsan yahay in Felipe Anderson uu aad ugu haboon yahay nidaamka uu kooxdiisa Man United cayaarsiiyo.
Saxaafada dalka Talyaaniga yaa afka ku heyso in kooxda Lazio aysan xidigan ceshan karin madaama looga gacan haatinaayo Premiership-ka England.
Waxaana sidoo kalena saxiixiisa ku raad joogaan kooxaha Man City, Chelsea iyo Barcelona oo wakiilo kala duwan dalka Talyaaniga u direen todobaadyadii aan kasoo gudubnay si ay qaab cayaareedka Anderson qiimeyn ugu sameeyaan.