Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Milan Oo La Xariirtay Macalinka Kooxda Sevilla Unai Emery Si Ay Ugu Badasho Pippo Inzaghi

Kooxda Milan Oo La Xariirtay Macalinka Kooxda Sevilla Unai Emery Si Ay Ugu Badasho Pippo Inzaghi


Unai Emery

Kooxda AC Milan ayaa ahmiyad gaar ah siin doonto sidii ay xagaagan hogaankeeda ugu dhiiban laheyd macalinka naadiga Sevilla hogaamiyo Unai Emery.

Waxaa la filaa in kooxda AC Milan ay saamigeed qayb ka mid ahka iibiso ganacsadaha reer China Mr. Poe Here Ying ama ganacsadaha reer Taiwan Bee Taechaubol.

Sidaa darteed masuuliyaanta Milan ma doonayaan inay Inzaghi kooxdan kusii amaaninaan madaama maal galin lagu sameyn doono waxaana kooxda lagu wareejin doonaa tabarae Unai Emery oo ah macalin qabiir ah.

Gazzetta dello Sport ayaa sheegay in Milan ay saraakii hee sare ah magaalada Sevilla u diri doonto maal maha nagu soo fool leh si ay macalin Emery iyo wakiilkiisa ula kulmaan.

Waxayna ka dhaadhicin doonaan inuu xagaaga nagu soo fool ka shaqo galo garoonka San Serio sidoo kalena waxaa loo bandhigi doonaa lacagaha la siin doono iyo qorshaha cusub ee Milan dib loogu soo celin doono awoodii ka luntay.

Macalin Emery heshiiska uu Sevilla kula jiro wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedka dambe sidaa darteed kooxda Sevilla waxay halgan ugu jirtaa inay heshiis cusub ka saxiixdo balse qorshaha Milan ayaa kooxdan dhibaato haatan ku noqday.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>