Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Palermo Oo 15-Maalmood Gudahood Go’aan Uga Gaari Doonta Mustaqbalka Paulo Dybala

Kooxda Palermo Oo 15-Maalmood Gudahood Go’aan Uga Gaari Doonta Mustaqbalka Paulo Dybala


Paulo DybalaSida uu ka dhawaajiyay madaxweynaha kooxda Palermo Maurizio Zamparini mustaqbalka Paulo Dybala ayey kooxdaan ku go’aamin doontaa 15-ka maalmood ee soo aadan.

21-jirkaan ayaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu xagaagan ka dhaqaaqi doono kooxda Palermo, waxaana ku dagaalamaya kooxaha Man United, Chelsea, Arsenal iyo Juventus kuwaas oo mid walbaahi ay xiiso gaar ah u qabto.

Maurizio Zamparini ayaa cadeeyay in go’aanka Dybala uu dhaw yahay isla markaana ay labada isbuuc ee soo aadan soo afjari doonaan arintiisa.

“Ugu yaraan Sadex kooxood ayaa si dhab ah u xiiseynaya” Ayuu yiri Zamparini oo la hadlayay Giornale di Sicilia.

“Waxaan la kulmi doonaa wakiilka iyo xidiga si aan heshiiska u dhameyno”

Ugu dambeyntii Paulo Dybala ayaa dhaliyay 13-gool, xili ciyaareedkaan kulamada horyaalka talyaaniga wuxuuna saftay 33-kulan.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>