Home » Maxaa Cusub » Kooxda Paris Saint Germain Oo Isaga Hartay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Xidiga Juventus Paul Pogba

Kooxda Paris Saint Germain Oo Isaga Hartay Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Xidiga Juventus Paul Pogba


Pogba a

Wargeska The People ayaa sheegay in kooxda PSG ay gabi ahaanba isaga baxday loolankii ay ugu jirtay saxiixa Paul Pogba.

Kooxda rer France oo sanado badan xidigan dhalinta yar ku raad joogtay ayaa sheegtay inay dalabkeeda xidigo kala u weecin doonto madaama ay kooxda Juventus isku fahmi waayeen qiimaha Paul Pogba.

Sidaa darteed saxiixa Pogba haatan wuxuu u furan yahay kooxaha Man City, Barcelona iyo Real Madrid oo dhamaantooda fariimo kala duwan Juventus u direen.

Naadiga PSG ayaa sheegtay inuusan Pogba u qalmin qiimaha £70 million oo ay kooxda Juventus dul dhigtay waxayna dooneysaa inaysan waqtiga isaga lumin saxiixa xidigan qiimahiisa aadka u sareeyo.

22-jirkan xili cayaareedkan wuxuu kooxdiisa Juventus u dhaliyay 10-gool sidoo kalena 5-kubadood ayuu dhiibay asigoo cayaaray 34-kulan.

Wuxuuna Juventus kula guuleestay Serie A-da iyo Copa Italia sidoo kalena kooxdiisa haatan waxay taagan tahay kama dambeesta koobka horyaalada Yurub.

Hadaba kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Man City ayaa laga warsugaa kooxdii diyaar la ah inay £70 million xagaagan Pogba kaga iibsato naadiga Juventus.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>